Ciidamada Amisom ee ku sugan gobolka hiiraan oo sheegey in ay kaalmo dawo ah gaarsiiyeen dad uu soo ritey shuban biyood.

0
557

Ciidamada amisom ee ku sugan gobolka hiiraan ayaa sheegey in ay kaalmo dawo ah gaarsiiyeen dad uu dhawaan soo ritey cudurka shuban biyoodka.

Afhayenka ciidamada amisom xaamud ayaa warbaahinta u sgeegey in ay dawooyin wax ka taraya cudurka shubanbiyoodka gaarsiiyeen dadka gobolkan hiiraan ee xanuunka shubanku asiibey ayna mar kasta u taaganyihiin in ay shacabka soomaaliyeed dhib iyo dheefba la wadaagaan.

Maahan markii ugu horeysey ee ay ciidamada amisom sheegaan in ay gacan ka geysteen xaalado bini’adanimo iyadoo dhanka kale lagu eedeeyo in ay xabadaha isaga furaan shacabka hadii la soo weeraro,ama ay u shakiyaan amaankooda.