Maamulka gobolka banaadir ee uu hugaamiyo md tarsan ayaa beryahan wada shirar aan loo kala kicin oo hakiyey hawlihii adeega bulshada iyadoo ay shirarka kala qeyb gelayeen hey’adaha amniga ee heer gobol iyo degmo.
Waxaana maanta dib ugu soo laabtey tarsan oo hawlo shaqo ugu maqnaa debedda,waxaana soo dhaweeyey kuxigeenadiisa iyo qeybaha ururada bulshada gobolka banaadir,isagoo gudomiyuhu ka qeyb galey shir lagaga hadley adkeynta amniga,waxeyna tani imaaneysaa iyadoo leysla dhexmarayo in dib u habeyn xaga maamulka ah lagu sameynayo xubnaha sar sare ee maamulka gobolka banaadir.
Maahan markii ugu horeysey ee maamulka gobolka banaadir ka hadlo sugidda amniga hase yeeshee maamulka gobolka,xukuumada ,madaxweynaha iyo barlamaankuba waxey eeganayaa waxa lagula dhaqmayo muwaadinka sida maxaabiis xir xiran oo la diley,hubka dawlada oo la raranayo,meelaha ay ka baxayaan ciidamada dawladu,iwm.
Shacabka dhegahoodu uma daloolaan wax maamul ah nuuc kasta ha ahaadee mar hadiiba ay jiraan dad sharciga iyagu ka sareeya oo wixii ay doonaan fulinaya,sida mida maanta taagan.




