Qarax ismiidaamin oo qasaaro gaystay oo Caawa ka Dhacay Suuqa Bakaaraha.

0
509

Wararka ka imaanaya Suuqa Bakaaraha ee magalaada Muqdisho ayaa sheegaya in qarax ismiidaamin ah lala beegsaday Saldhig ku yaallo Meel u dhow iskuul Xamar jadiid ee Gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaan ayaa ahaa nin isa soo miidaamiyay isla markaasna la bar tilmaameedsaday goob Saldhig u ah Ciidamada amaanka dowladda Somalia ay ku lahaayeen Suuqa Bakaaraha ee Degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Sida uu u xaqiijiyay Warbaahinta Guddoomiyaha Degmada Howlwadaag Maxamed Abuukar Jacfar ayaa sheegay in ay ku dhaawacmeen saddex Askar oo uu ku jiro Taliyihii goobtaas.

Qaraxaan ismiidaaminta ayaa imaanayo maalmo yar kadib markii Gaari walxo qarxa laga soo buuxiyay oo lala bartilmaamedsanayay Taliyaha Nabad sugidda Gobolka Banadir Qaliif Axmed Erig uu ka dhacay Agagaarka Tiyaartarka Kaas oo dhaawac uu kasoo gaaray isla markaasna ay ku geeriyoodeen tiro shacab ah oo uu ku jiray Wariye Maxamed Cali Nuxurkeey.