Dad ka badan 15 qof ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhaawacmeen qarax miino oo galabta ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.
Qaraxa oo ka dhacay meel lagu shaaho ayaa dadka ku dhaawacmay waxay isugu jiraan ciidamada maamulka KMG ah ee Kismaayo iyo dad rayid ah.
Dhaawacyada waxaa lagu daweynayaa isbitaalka Kismaayo, wuxuuna agaasimaha Agaasimaha isbitaalka Dr. Sheekh Cali sheegay inay jiraan dad qaba dhaawacyo halis ah.
Dhinaca kale, ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa howlgal miino-baaris ah oo ay ka sameeyeen waddada Somali Star ee xaafadda Calanley waxay ku soo saareen miinooyin iyo bambooyin aan qarxin oo hareeraha waddada lagu aasay.




