War goor dhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in rag hubaysan ay dhawaan ku dileen nin dhalinyaro ah kaas oo ku sugnaa deegaanka Buulo Xuubeey ee Degmada Waqdajir.
Kooxaha hubaysan ayaa markii ay dilka u gaysteen ninka Dhalinyarada kadib isaga baxsaday goobta iyadoo aysan jirin Cid isku daydo in ay gacanta ku soo dhigto Ragaas.
Lama oga waxa uu ahaa wiilkan Dhalinyarada ah ee Lagu dilay xaafadda Buulo Xuubeey ee Degmada wadajir ee magaalada Muqdisho iyo Cida uu ka tirsanaa.
Magaalada Muqdisho ayaa noqotay goob dilalka,Qaraxyada joogto ka noqotay xilli Amaanka magaalada Muqdisho uu horumar sameenaayo.




