Waaxda arimaha dibada dalka dalka Mareykanka ayaa dul dhigtay dhaqaalo gaaraya shan Milyan madaxda Labo muwaadin Ameerikaan ah oo sheegeen inay ka tirsan Al-shabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya.
Sida uu baahiyay Tvga CNN-ka ee dalkaasi Mareykanka Labadaan muwaadin Mareykanka ah ayaa magacyadooda iyo waliba sawiradooda waxaa lagu baahiyay qalabka warbaahinta nuucyadooda kala duwan,si loo ogaado halka ay ku sugan yihiin.
Omar Shafik Hammami and Jehad Serwan Mostafa ayaa ah jihaadiyiin Mareykan ah,kuwaasi oo dalkooda kaga soo hayaamay inay ka barbar dagaalamaan Al-shabaab,waxayna qeyb ka yihiin dadka ugu doondoonista badan ee FBI-da Mareykanka,iyagoona ku jira liiska waxa loogu yeero argagixisada.
Shaqsiyaadkaan ayaa midkiiba waxaa madaxiisa la duldhigay shan Malyan oo Dolar qofkii soo sheegana ama bixisa warbixin ku aadan halka ku sugan yihiin wuxuu heli doonaa shan Malyan oo doolar sida warbixinta ku xusan.
Dowlada Mareykanka ayaa in badan baadi goob ugu jirtay Jihaadiyiinta ajnabiga ee ka barbar dagaalameysa Al-shabaab,iyadoo dhawaan Cumar Hamami oo loo yaqaano Al-Amriki Mareykanka uu ku daray Liiska argagixisada.
Warbixinta ayaa sidoo kale tilmaameysa in shaqsiyaadkaan iminka lacagta la dul dhigay ay ku sugan yihiin Soomaaliya,iyagoo ku hoos dagaalama Al-shabaab.




