Nin isku soo xirey walxaha qarxa oo caawa isku qarxiyey iskuul xamar jadiid.

0
499

Waxaa fiidnimadii caawa mar qura la maqley qarax ka dhacey gudaha iskuul xamar jadiid oo ku yaal suuqa bakaaraha,qaraxa ayaa waxaa fuliyey nin isku soo xirey walxaha qarxa oo nafti hure ah.

Goobta qaraxu ka dhacey ayaa waxaa la sheegayaa in ay shir ku lahaayeen saraakiil iyo qaar ka tirsan maamulka degmooyinka gobolka banaadir,lamana oga inta uu la egyahey khasaaraha dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyeed ee uu qaraxu geystey.

Qaraxyada ayaa muqdisho beryahan kusoo badanaya lamana oga sababta ka danbeysa,balse waxey qaraxyadan isdaba jooga ahi ku soo beegmayaan iyadoo ay jirto hadal heyn isku shaadheyn iyo kala bedel xaga saraakiisha hey’adaha amniga iyo maamulka gobolka banaadir,waana mida kaliya ee hada loo aaneynayo qaraxyada waqtiyadan dhacaya.