Waxaa dalka soomaaliya gaar ahaan caasimada muqdisho soo gaarey wariyeyaal ka socda dalka ugandha,kuwaasoo u kuurgelaya sida nabadgelyada muqdisho ay tahey iyo doorka ay ciidamada amisom ka ciyaaraan amniga soomaaliya.
M/weynaha somaaliya oo wareysi siiyey wariyeyaasha ayaa sheegey in kooxda alshabaab aysan awood u laheyn in ay weeraro soo qaadaan waa sida uu hadalka u yiriye isagoo dhanka kale sheegey in aaney dhaqaale hada heli karin,maadaama buu yiri laga qabsadey magaalooyin iyo meelo badan oo dhaqaale kasoo gelijirey xarakada alshabaab.
Waa markii ugu horeysey ee wariyeyaal ka socda dalalka ay ciidamadu ka joogaan soomaaliya ay muqdisho yimaadaan taas oo u muuqata in dawlada ugandha aysan ku aamin qabin waxa ay saxaafada soomaaliya tabiso,sida tan dawlada iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyaheyba.
Waxeyna tani kusoo beegmeysaa iyadoo dawlada soomaaliya ay bedeshey taliyihii ciidamada xoga dalka iyo ammaanduulihii ciidamada xoga dalka soomaaliya si hawlaha ciidamada sare loogu sii qaado.




