Munaasabad ay xilalka ku kala wareegayaan Taliyihii hore iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka Milatariga oo ka socota Xarunta Madaxtoyada.

0
514

Xaflad si heer sare loo soo qaban qaabiyay isla markaasna ay xilalka kula wareegayaan Taliyihii hore ciidanka iyo taliyaha cusub ee ciidanka Militariga dalka Somalia.

Sidoo kale waxaa xilka laga qaaday Abaan duulihii ciidanka Xoogga Yusuf Dhago Badan oo isna xilka Wareejinaya isla markaasna xilka ku wareejinaya Sargaalkii badali lahaa.

Amaanka ayaa si weyn loo adkeeyay iyadoo lagu wado inay ka qeyb galaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud iyo Madax sare oo ka tirsan dowladda Somalia.

dhawaan ayay ahayd markii la sheegay in xilka laga qaaday Generaal Diini oo horey u ahaa Taliyaha ciidanka Xoogga dalka somalia isla markaasna lagu badalay Taliyaha cusub oo lagu magacaabo Indho Qarshe kaas oo kamid ah saraakiishii hore ee ciidanka Xoogga dalka somalia xiligii hore.

Lama oga waxa uu ka badali doonno Taliyaha cusub xaaladda ay ku sugan yihiin Ciidanka Militariga dalka Somalia oo xaalkooda nololeed iyo tan awoodeed ay aad u liidato.