Mas;uuliyiin ka tirsan Midowga yurub gaar ahaan qeybta ciidanka la dagaalanka burcad badeeda Somalia ayaa kulamo ay la qaateen mas’uuliyiinta ciidanka Badda dalka Jabuuti ayay kala hadleen sidii ay isaga kaashan lahaayeen dar dar galinta la dagaalanka burcad badeeda Somalida kuwaas oo qafaal iyo dhac baahsan ku haaya maraakiibta badda somalia mara.
Taliyaha Markab laga leeyahay dalka Spain oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Yurub ee la dagaalanka burcad badeeda Somalida ayaa booqday dalka Jabuuti isagoo ku xertay dekad ku taallo dalkaas halkaas oo kulamo uu kula qaatay Taliyayasha ciidanka badda dalka Jabuuti isla markaasna ay ka wada hadleen sidii ay isaga kashan lahaayeen la dagaalanka burcadda xeebaha somalida maadaama Jabuuti ay daris la tahay dalka SOmalia.
Taliyayasha labada dhinac ayaa isku afgartay in tababar la siiyo ciidamo Jabuutiyan ah si ay u xoojiyaan la dagaalanka burcad badeeda Somalida kuwaas oo dhibaato ku haya maraakiibka mara xeebaha Somalia.




