Magaalada Nairobi ayey ku sugan yihiin madaxda maamulka Kumeelgaarka ah ee magaalada Kismaayo kuwaasi oo la kulmaya xubno ka socda Urur Gobaleedka IGAD iyo dowlada Kenya oo ka walaacsan xaalada amaan ee magaalada Kismaayo.
Hogaamiyaha maamulka Kumeelgaarka ah ee Kismaayo Axmed Madoobe iyo xubno kale ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Nairobi halkaasi oo ay kulamo kula yeelanayaan xubno ka socda IGAD iyo waliba dowlada Kenya oo iyadu ciidamo ka joogaan gobalada Jubooyinka.
Wadahadaladan ayaa la sheegay inay qeyb ka tahay iskuday dadaal oo ay Kenya iyo IGAD ka dhex wadaan dhinacyada isku khilaafsan maamul u sameyn Jubbaland.
Waxaa dhawaan ka furmay magaalada Kismaayo shirweyne lagu dhisayo maamulka Jubbaland, inkastoo shirkaasi hakad soo galay ayaa waxaa hadana jirtay diidmo qayaxan oo ay Dowlada Federaalka Soomaaliya kala hortimid maamul u sameynta Juballand iyo in maamul rasmi ah looga dhawaaqo shirkaasi. Dowlada Federaalka ayaa sheegtay inay iyada looga danbeeyo maamul u sameynta gobalada dalka Soomaaliya oo ay ka noqoto garwadeen.
Maamulka Kumeelgaarka ah ee Kismaayo ayaa si weyn uga horyimid go’aanka dowlada Federaalka isla markaana ku dhaqaaqay inuu shirweynaha Kismaayo furo iyadoo aan ku sugneyn dowlada Federaalka, waxaana arrimaha xiisad horleh ku keenay ciidamo dhawaan ka baxay Gedo oo ay dowlada Federaalka u dirtay magaalada Kismaayo arrintaasi oo keentay cabsi ah in iska horimaad ka dhaco magaalada Kismaayo.
Magaalada Nairobi ayey sidoo kale ku sugan yihiin xubno kamid ah Ciidamada Dowlada Federaalka qeybtooda Kismaayo oo iyagu la fikir ah dhinaca go’aanka Dowlada Federaalka ee Soomaaliya, mana jiraan illaa iyo hada wax go’aan ah oo kasoo baxay kulamada Nairobi.
Qorshihii AMISOM iyo RaodMap
Xiisada ka taagan Kismaayo ayaa keentay inuu hakad galo qorshihii RoadMap ee ahaa in gobalada Jubooyinka guud ahaan laga saaro Xoogaga Al Shabaab ee weli ku sugan qeybo kamid ah gobalada Jubooyinka, arrintan oo keentay khilaafka ka taagan Kismaayo iyo waliba shakiga xoogan ee soo kala dhexgalay ciidamadii Soomaalida ahaa ee u kala qeybsamay Raaskambooni iyo ciidamada Dowlada Federaalka.
Dowlada Kenya ayaa hada la sheegay inay dib u dhigtay qorshihii ay ugu jirtay inay ciidamadooda isku balaariyaan gobalada Jubooyinka goobaha ay weli ku sugan yihiin ciidamada Al Shabaab, arrintan oo dhankeeda caqabad ku noqotay qorshihii Guud ee AMISOM ku dooneysay inay ku qabato dhamaan gobalada Soomaaliya.
Ciidamada AMISOM ee UGANDHA ayaa horey uga sugayey ciidamada Kenya ee Kismaayo ku sugan inay culeys militari saaraan magaalada Barawe oo ay hada xarun u ah Taliska Al Shabaab, wakhti ay Ciidamada AMISOM ee UGANDHA ay la wareegayaan qeybo kamid ah gobalka Shabeelada Hoose iyo Bay, gaar ahaan wadada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho.
AMISOM ayaa ku guuleysatay inay kala jarto wadooyinkii saadka u kala mari jireen Al Shabaabta joogta Koonfurta iyo kuwa ku sugan gobalada dhexe kadib hawlgaladii dhawaan ay ciidamada AMISOM ka sameeyeen Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe.
Balse Al Shabaab ayaa fursad dahabi ah heshay kadib markii ciidamada Kenya horey uga dhaqaaqi waayeen magaalada Kismaayo, waxaana hada jira dhaq dhaqaaqyo la sheegay in Al Shabaab ka wado gobalada Jubada dhexe, Gedo iyo Shabeelada Hoose qeybo kamid ah oo ay ku doonayan inay duulaan xoogleh ku qaadaan xoogaga AMISOM ee ku sugan Shabeelada Hoose iyo Shabeelada Dhexe.
Casumaada Maamulka Kumeel gaarka ah ee Kismaayo ee Nairobi looga yeeray iyo Saraakiisha Ciidamada Dowlada Federaalka maaha mid kaliya ku aadan shirweynihii iyo maamul u sameynta Jubbaland, balse waxaa midaas dhinac socota caqabada iyo hakadka ku yimid qorshihii Militari ee ku aadanaa Al Shabaab oo xiligan hakiyeen khilaafkaadka kasoo baxay magaalada Kismaayo.




