Kulamadii Baarlamaanka Liibiya oo la joojiyey kadib markii maleeshiyo hubeysan weerareen.

0
527

Baarlamaanka dalka Liibiya ayaa hakad geliyey fadhiyadiisa kadib markii labaad ay weerar kusoo qaadeen golahaasi maleeshiyaad hubeysan oo ka gadoodsan shaqsiyaad horey ulla soo shaqeyn jiray dowladii Qadaffi.

Horaantii bishii lasoo dhaafay ee Feberaayo ayey ahayd markii Baarlamaanka Liibiya General National Congress (GNC) uu ka guuray xaruntiisa magaalada Liibiya, kadib markii ay kalfadhiga Baarlamaanka weerar ku qaadeen maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxihii ku dhaawacmay dagaalkii xukunka looga riday Col.Mucamar Al Qaddafi, kuwaasi oo codsanyey inay dowlada daryeel caafimaad u fidiso raggii kasoo qeyb qaatay kacdoonkii Liibiya isla markaana ku dhaawacmay.

Kooxahan gadoodsan ayaa sidoo kale doonaya inuu Baarlamaanka ansixiyo sharci qoraya in dhamaan siyaasiyiintii horey ulla soo shaqeeyey dowladii Qaddafi aysan wax xil ah ka qabin karin ebid dalkaasi Liibiya.

Weerarkii labaad ayaa dhacay Talaadadii (Salasadii) lasoo dhaafay kadib markii weerar kale ay maleeshiyo hubeysan ku qaadeen xaruntii kumeel gaarka ahayd oo uu Baarlamaanka Liibiya ku shaqeenayey. Kooxdan hubeysan ayaa sidoo kale rasaas ku furay Madaxweynaha Kongareeska Liibiya Maxamed al-Magariaf oo halkaasi si dirqi leh kaga baxsaday.

Kooxahan ayaa si weyn uga soo horjeeda Madaxweynaha Kongareeska dalkaasi Liibiya u taliya oo horey usoo noqday Safiirkii Liibiya u fadhiyey dalka Hindiya xiligii wadankaasi uu ka talinayey Col.Qaddafi.

Maxamed Al Magariaf ayaa sidoo kale bishii Janaayo ee sanadkan ka badbaaday isku day dil kadib markii kooxo hubeysan gurigiisa magaalada caasimada Tripoli ay weerar ku qaadeen. Guddoonka Baarlamaanka ayaa maanta shaaciyey inay joojiyeen fadhiyadooda illaa laga helayo goob amaan ah oo ay ku shiri karaan.

Waxaa laga joogaa muddo 16 bilood ah markii xukunka laga tuuray hogaamiyihii Liibiya Col.Qaddafi waxayna dowlada xilka la wareegtay weli ku guuleysan la’a dahay inay amniga dalkaasi gacan adag ku qabato.