Kooxda Ansaru oo dilay Ajaanibtii ay ka afduubeen waqooyiga Nigeria.

0
460

Kooxda Jihaadiyiinta ah ee ka dagaalama dalka Nigeriya ayaa sheegay inay dileen dhamaan ajaanibtii ay afduubteen bishii Feberaayo iyagoo ku eedeeyey dilkaasi iskuday furasho oo ay ciidamad Nigeriya iyo Ingiriiska isku dayeen.

Kooxda Ansaru ayaa bishii Lasoo dhaafay bartamaheeda 7 qof oo ajaanib ah ka afduubtay xarun ay leedahay shirkad dhismo ee laga leeyahay dalka Lubnaan oo ka hawlgasha gobalka Bouchi ee waqooyiga dalkaasi Nigeriya.

Kooxdan Ansaru oo horey uga mid ahaan jirtay kooxda Boko Xaraam ayaa hada isku tilmaamay dhaq dhaqaaq islaami ah oo madax banaan afduubkana waa kii ugu horeeyey oo ay ka geystaan gudaha dalka Nigeriya.

Kooxdan ayaa sheegay inay dileen dhamaan 7dii qof oo ay afduubeen Sabtidii lasoo dhaafay kadib markii ay ciidamada Nigeriya iyo kuwa dowlada Ingiriiska isku dayeen inay xoog ku furtaan dadkaasi.

Eedeyntan ayaa waxaa beeniyey dowlada Ingiriiska iyo xukuumada Nigeriya oo sheegay inaysan jirin wax iskuday ah oo lagu soo furan lahaa kooxda afduubka lagu heystay.

Dadka ay kooxdan afduubeen ayaa kala ahaa 4 qof oo u dhalatay dalka Lubnaan, hal qof oo Ingiriis ah, hal qof oo Talyaani ah iyo nin u dhashay dalka Giriiga.

Wadamada ay kasoo jeedaan dadkan la afduubay ayaa xaqiijiyey in dhamaan laheysatayaashaasi la dilay.