Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ceyriyay Rag ka tirsana Xafiiskiisa Baratakoolka.

0
621

Sida laga soo xigtay shaqaale ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in shaqada laga ceyriyay ilaa saddex horey ugu tirsanaa Xafiiska Baratakoolka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ragga Shaqaalaha oo ka tirsanaa waaxda baratakoolka Xafiiska madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxan si rasmi ah loo ogeen sababta ka dambeeya in ay shaqooyinkooda ay waayaan

Iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in lala xiriirinayo is badal lugo sameeynayo shaqaalaha madaxtooyada iyo taliyaasha ciidamada dowlada Somalia oo ay dadka qaar hadal hayeen inkastoo la sheegay in ay ka madax adeegeen amaro uu horey madaxweyne Xasan Sheekh u siiyay waaxda Baratakoolka.

Madaxweynaha Somalia xasan sheekh maxamuud ayaa horay u balan qaaday in aysan jiridoonin is badalo lugo sameeyndoona shqaalaha iyo agaasimayaasha xaruunta madaxtooyada maadaama ay waqtigii kmg aha ay ku soo shaqeeyeen daruufa adag

Madaxweynaha Somalia xasan sheekh maxamuud ayaa xiliga uu xilka kala wareegayay madaxweynihii dowlada kmg aheeyd qod bad uu jeediyay ku cadeeyay in shaqaalaha aysn wax walwal ah ka qabin shqooyinkooda maadaama ay dadka hadal hayeen in madaxweynaha Somalia xiligaan inta uu xilka haya ay shaqooyinka madaxtooyada ubadandoonaan xisbigiis

Ragga la ceyriyay Magacyadooda ayaa kala ah Shariif Maxamed Maxamuud (shariif dheere), C/kariin Muxudiin, Cabdi Casiis buhoodle iyo Muqtar Dheere