Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho oo talo ku bixey in la cuno cuntada dalkeena mudo lix bilood ah.

0
513

Gudoomiyaha ahna duqa muqdisho ayaa maanta isagoo hadlayey munaasabada sideeda marso sheegey in uu talo kusoo jeedinayo in la joojiyo cuntooyinka debedda laga keeno oo la cuno kuwa dalka kasoo go’a sida galeyda,mesegada,digirta iwm.

Gudoomiya gobolka ahna duqa muqdisho maxamuud axmed nuur tarsan ayaa taladan bixiyey isagoo sheegey in ay dawo u tahey dolarka hoos u dhacey iyo maciishada oo halkeedi taagan,gudoomiyaha ayaa isagu balanqaadey in uu isagu laftiisu cunidoono cuntada wadaniga ah.

Hadalka gudoomiyaha ayaa kusoo beegmaya iyadoo dadka danyarta ahi ay wada dhimanayaan waxna aaney u goyneyn,qiimaha halka dolar ayaa ka yimid 22000,halka uu hadda ka marayo halki dolar wax ka yar 15000,arinkan ayaa saameyn ku yeeshey dadka dhaqaalahoodu hooseeyo,maadaama boqolka dolar oo ay helaan aysan ku fileyn toban cisho oo keliya.