Raiisul Wasaare Saacid oo Garoowe u ambabaxay.

0
532

Ra’iisul Wasaaraha somalia iyo wafdi uu hogaminayay ayaa u ambo baxay magaalada Garowe ee gobolka Nugaal halkaas oo xarun u ah Maamulka Puntland.

Safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa noqonaya kii ugu horeeeyay oo uu ku tago maamulka Puntland tan iyo markii loo magacaabay Ra’iisul wasaaraha Somalia bishii Octobar ee sanadkii ugu horeeyay.

Booqashada uu Cabdi Faarax Shirdoon Dr Saacid uu ku tagay Magaalada Garowe ayaa noqonayso Mas’uulkii ugu sareeya ee ka socda dowladda oo taga maamulka Puntiland tan iyo markii la doortay Dowladda cusub ee federaalka Jamhuuriyadda Somalia.

Bishii hore ayaa waxaa maagalada Garowe ee Gobolka Nugaal waxaa booqday Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guutaale kaas oo safar tacsi ah ku tagay xarunta Maamul Goboleedka Puntland.

Lama oga waxyaabaha gaarka ah oo Ra’iisul Wasaare Saacid uu kala hadli doonno Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Faroole.