Dowlada Masar iyo Jaamacada Carabta oo safaarad iyo Xafiis ka furanaya Muqdisho.

0
559

Dowlada Masar ayaa lagu wadaa in dhawaan ay dib u furto Safaaradii ay ku lahayd dalka Soomaaliya, xili lagu wado inay soo gaaraan dalka Soomaaliya wafuud ka socota Masar iyo Jaamacada Carabta.

Bartamaha bishan ayaa lagu wadaa inuu magaalada Muqdisho soo gaaro Wasiirka Arrimaha dibada ee dalka Masar Maxamed Kamaal Camir iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka socda dalka Masar.

Dowlada Masar ayaa sheegtay inay sanadkan furi doonto Safaaradii ay ku lahaan jirtay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirul Dowlahaha Arrimaha Dibada iyo xiriirka Caalamiga ee Soomaaliya Maxamed Nuur Gacal.

Sidoo kale wuxuu Wasiirul Dowlaha sheegay in bisha soo socota ee April lagu wado inay Muqdisho yimaadaan wafdi balaaran oo ka socda Jaamacada Carabta oo uu hogaaminayo Xoghayaha Guud ee Jaamacada Carabta Nabil Al Carabi. Jaamacada Carabta ayaa iyaduna dooneysa inay xafiiskeeda Muqdisho dib u furto.

Maxamed Nuur Gacal Wasiirul Dowlahaha Arrimaha Dibada iyo xiriirka caalamiga oo ka qeyb galay shirkii todobaadkan ka dhacay magaalada Qaahira oo ay yeesheen Wasiirada Arrimaha Dibada ee Jaamacada Carabta, ayaa sheegay in dalalka Carabta ay taageero u muujiyeen dalka Soomaaliya, waxaana la filayaa dhawaan in dib loo furo safaaradaha wadamada Carabta ee dalka Soomaaliya.

Dalka Sucuudiga ayaa kamid ah wadamada Carabta ee sheegay inay Safaarada ka furan doonaan dalka Soomaaliya, wadankaasi oo ay shacabka Soomaalida safaro badan ku tagaan dhanka cibaado ee Xajka & cimrada iyo waliba ganacsi.