Waxaa muddo hal sanno ah loo kordhiyay howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee Somalia kadib kulan ay yeesheen xubnaha golaha amaanka Qaramada Midoobay.
15-ka Dal ee Xubnaha ka ah golaha amaanka Qaramada Midoobay ayaa si buuxda isugu raacay Muddo Kordhin hal sanno ah oo loo kordhiyay ciidamada Midowga Afrika ee Somalia jooga kuwaas oo ka dhinac dagaalamaya ciidamada Dalka Somalia.
muddo kordhintaan ayaa ku eg 28-ka bisha Febraayo ee sanadka soo aadan 2014-ka waxaana ay ka dhigaysaa sanadkii 7-aad oo Ciidamada Midowga Afrika ay ku sugan yihiin dalka Somalia.
Ciidamo ka socda dalalka Uganda,Burundi,Keny iyo Jabuuti ayaa ku sugan dalka somalia kuwaas oo dagaallo la galay Al Shabab oo ay kala wareegeen magaalooyin muhiim ahaa oo horey Gacanta AL Shabab ugu jiray.
Dhinaca Kale Midowga Afrika ayaa soo dhaweeyay muddo kordhinta Halka sanno ee loo sameeyay Ciidamada Midowga Afrika ee Howlgalkooda Somalia.
Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ku tilmaamay mid wanaagsan oo dhanka horumarka ah in ciidamada midowga Afrika muddo sanad kale loo kordhiyo.
Cutubkii ugu horeeyay ee Ciidamo ka socda dalka Uganda kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka dalka Somalia ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho sanadkii 2007.




