Iyadoo golaha ammaanka qaramada midoobay ay ka qaadeen dalka somalia cunaqabatenta hubka ee mudo 21 sanno saarnaa aya maamulada qaar ay ka hor yimaadeen.
Maamulka somaliland ayaa ka hor yimid go’aankii qaramada midoobay ay cuna qabateenta hubka ugu qaaday dalka somalia, Wasiirka gashandhiga maamulka somaliland Cadami ayaa sheegay in tallaabada golaha ammaanka ay cuna qabatenta hubka ay ugu qaaden somalia uu yahay mid waali ah islamarkana koox gaar ah awod sinayso.
Sidoo kale maamulka puntland ayaa sheegay in cunaqabatenta hubka ee somalia aysan wanagsanayn in hada la qaado iyagoo ku tilmamay in qaadista cunaqabatenta ay u daneenayso dad gaar ah islamarkasna ay isku hubaynayaan. Maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa ah maamulo qaab qabiil isugu tagay kuwas oo dastuurka ka hor imaanayo.




