Madaxweynaha Somalia Xassan Sheikh Maxamuud ayaa cafis u fidiyay Dhalinyaradda Burcad-badeeda si ay u joojiyaan weerarada ay ku hayan Maraakiibta isticmaasha Badda Somalia.
Madaxweynaha oo maanta Wareysi Khaas ah siiyay Wakaaladda Wararka Faransiiska (AFP), ayaa sheegay inay dowladiisu wada-xaajood dadbanla leeyihiin Burcad-badeeda iyagoo u sii maraya Odayaasha Dhaqanka ee beelaha Somalia.
”Waxan cafis u fidineynaa Burcad-badeeda Dhalinyarada ah, Laakiin uma fidineyno Hoggaami Yayaasha Burcad-badeeda kuwaasi oo qaata macaashka ugu badan ee laga helo Falalka lagu weeraro Maraakiibta” ayuu yiri Madaxweynaha, oo xusay in Booliska Caalamiga (INTERPOL) baadi goobeyso qaar ka mid ah qabqablayaasha Burcad-badeeda
Madaxweynaha waxa uu wareysigiisu ku sheegay inay Cafiska u fidinayaan Wiilasha Dhalinyarada ah ee la il-duufsaday.
Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud oo xilkaasi qabtay Lix bilood ka hor waxa uu tilmaamay in ujeedada cafiska ay tahay sidii Dhalinyarada loogu abuuri lahaa nolol, si ay uga kaaftooman ku biirista Burcad-badeeda hubeysan.
Cafiska Madaxweynaha ayaa ku soo beegmeyso, iyadoo uu Markabkii ugu horeeyay oo boqolaal neef oo Lo’ ah ku rarnaa uu ka shiraacday dekada weyn ee Magaaladda Muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee, waa markiiugu horreysay ee uu MadaxweyneXassan Sheikh Maxamuud cafis u fidiyo Burcad-badeeda Khaatiga laga taagan yahay.




