Dagaal gowrdhaw Dhex-Maray Ciidamadda Xooga Dalka Iyo Al-Shabaab

0
514

Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garabsanaaya kuwa AMISOM ayaa maanta ka dhacay Deegaanka Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka oo socday waqti gaabanisla markaana ku dhacay si lama filaan ah ayaa waxaa la hormaray dagaalka Dagaalyahaano ka tirsan Alshabaab oo rasaas ooda uga qaaday Kolonyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isku fidinayay dhul beereed ku yaalla deegaanka Aw-dheegle.

C/qaadir Maxamed Nuur Guddoomiyaha gobolka oo la hadlaayay warbaahinta Warsom ayaa sheegay in Dagaalka uu ahaa mid waxyar socday waxa uuna sheegay in Dagaalkaasi ay ku qabteen Afar Dagaalyahaano oo ka tirsan Xarakatul Alshabaab
” Dagaalka waxaa soo qaaday Alshabaab xilli Kolonyo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay isku fidinaayen dhul beereed ku yaalla deegaanka Aw-dheegle, waxaana meeshasi ka dhashay is rasaaseyn dhex martay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa AMISOM iyo Al-qacido oo garab ah” ayuu yiri Guddoomiyaha, isaga oona intaa ku daray in Ciidamadda ay iminka fariisimo kafadhiisteen Deegaanka Aw-dheegle.
Si kastaba ha ahaatee C/qaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Afarta Dagaalyahaano ay iminka ku xireen Xabsi ku yaalla Gobolka Sh/Hoose isla marnaaha sheegay inay baaritaano iyo xog ka raadin-doonan Maxkamadna soo taagi doonan