Waxaa goordhaw Madaxtooyaddaka dhacay Kulan heer sare ah oo udhexeeyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xasan Sheikh Maxamuud iyo 60-Garsoore oo ka socday Maxkamadda Sare, Maxkamada Dhexe iyo Maxkamada Gobolka.
Kulanka Dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia iyo Garsoorayaasha ayaa ahaa mid ay uga arinsanaayen dibu habeynta Garsoorka Somalia oo uu Madaxweynaha ku sheegay inuu yahay mid kala xukmiya madaxda iyo shacabka.
Madaxweyne Xassan oo isagu ka hadlaayay kulanka ayaa waxa uu yiri ” Sidii aan horay idiinku sheegay in la xushmeeyo cadaaladda waxey ka bilaabataa Madaxda, Aniga marnaba faraha lama geli doono Maxkamadda iyo go’aanada ay gaarto, waxan aaminsanahay inaan ahaan doono Madaxweyne cuksada Qaanuunka Garsoorayaasha ay nagu xukumiyaan” ayuu yiri Madaxweynaha
Madaxweynaha oo hadalkiisa intaa ka ambaqaadayo waxa uu yiri “Amniga waa muhiimadda ugu 1aad ee dowladda,laakin hadii aysan cadaalad jirin amniguna ma jiro” Amniga iyo cadaaladda wey wada socdaan. Dadkeena in ay dareemaan nabad, waa in ay arkaan in sharcigu iyo cadaaladda in ay shaqeynayaan.
Inta uu socday kulanka waxaa sidoo kale ka hadlay Garsoorayaasha iyaga oona soo dhaweeyay hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda waxa ayna ku wargaliyeen Madaxweynaha in Garsoorayaasha ay diiwan-galin doonan Haddalka Madaxweynaha isla markaana ay qaadan doonan
Sidoo kale Garsoorayaasha ayaa Madaxweynaha ka codsaday inuu il-gaar ah ku eego dhismooyinka iyo qalabeynta Maxkamaddaha waxa ayna Ogeysiiyen in Maxkamadaha ay u baahan-yihiin dhaqaala galin isla markaana loo suubiyo goobo ay ku nastaan dadka la xakumaayo iyo dadka dacwada dhageysanaayo.
Si kastaba ha haatee MadaxweyneXassan Sheikh ayaa soo dhaweeyay Codsiyadda ay soo jeediyeen Garsoorayaasha inta uukulanka Socday, waxa uuna Madaxweynaha ballan qaaday in Xukuumadda ay dhaqaale xooganku shubi doonto Maxkamadda si loo dhameystiro qalabka aysan haysan Garsoorayaasha




