Gen. Cabdulqaadir Cali Diini Taliyaha Ciidamada Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa baaq uu u diray shacabka ku nool xarumihii hore ee ciidamada Dowlada Soomaaliya inay halkaasi ka guuraan sida ugu dhakhsiyaha badan.
Sidoo Kale Gen.Cabdulqaadir Cali Diini ayaa mar uu la hadlayey warbaahinta dowlada sheegay in xiligan uu socdo qorshe lagu doonayo ina lagu dayactiro dhamaan xarumihii hore ee ciidamada Dowlada ee ku yaal magaalada Muqdisho.
Waxa Uu Taliyaha sheegay sidoo kale In ay socdaan tababarada loo wado ciidamada dowlada Federaalka loona baahan yahay inay dib u degaan xarumahoodii. Wuxuuna sheegay in shacabka ku dhaqan goobahaasi horey loogu sheegay inay ka guuraan, hadana lasoo gaaray wakhtigii ay halkaasi isaga bixi lahaayeen Siduu Sheegay Generaalka.
Waxaa In Dhawaalaba socdeen dadaalo lagu doonayo in dadka rayidka ah ee degen xarumaha dowlada ee Muqdisho inay ka guuraan halkaasi, waxaana horey loo baneeyey qaar kamid ah xarumihii wasaaradaha ee ku yaalay magaalada Muqdisho.
Taliyaha BAaqaani Oo Uu U Jeedinayo Shacabka Reer Muqdisho ayaa soo baxaya xili ay dowlada Soomaaliya dooneyso inay dib usoo nooleyso ciidamadii Qaranka Soomaaliya, waxaana jira dadaalo ay ugu jirto in ay beesha caalamka uga codsato in dhaqaale lagu siiyo dayactirka iyo qalabeynta ciidamada qeybahooda kala Duwan.




