
Degmada Buur-hakaba Ayaa waxay ahayd magaalada keliya ee waddada isku xirta Baydhabo iyo Muqdisho ay ka haystaan al-Shabaab. Qabsashada ciidanka dowladda iyo AMISOM ayaa sahleysa in ay isku xirmaan isu socodka magaalooyinka Baydhabo iyo Muqdisho iyada oo laamiga oo dhan ay maamulayaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.
Kadib MArkii Ay Xarakada Al-Shabaab Isagabexeen Ayaa Ciidamada Dowelada markii ay magaalada galeen aan la kumin wax iska caabin ah, magaalada keliya ee al-Shabaab ay ku dirireen waxay ahayd Kismaayo, dhamaan magalooyinka kale ee laga qabsadey waxay uga baxeen iyaga oo hubkoodi sita Wax Dagaal Ahna Aan Galin.
Maalmihii la soo dhaafey ayaa ciidamada dowladda iyo AMISOM dagaallo ku hayeen deegaanada u dhexeeya Leego & Buur-hakaba, Dhanka kale Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Soomaalida ayaa dagaallo kaga hayey al-Shabaab isla Gobolka Baay meelo kamid ah.
Ilaa hadda waxaa gacanta al-Shabaab ku harsan Gobolka Jubada Dhexe, qaybo kamid ah Gedo, Galguduud, Hiiraan, Shabeelada Hoose, Jubada Hoose iyo weliba qaybo ka mid ah Baay Oo Marba Markii Ka Dambeysa Ay Isaga BAxayaan Deegaano Ay Iyaga Maamulaan.




