
Cabdikarim Xuseen Guuleed Wasiirka Arrimaha Gudaha & Amniga Qaranka ayaa Maalintii Sabtida (25/2/2013) booqasho ku tegay magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada Hoose, Wasiirka waxaa safarkiisa ku weheliyey qaar kale oo kamid ah Golaha Wasiirada iyo siyaasiyiin kale.
Sidoo Kale Wasiirka ayaa isaga oo ka hadalaya safarkii uu ku tegey Kismaayo sheegay in safarkii uu ku tegey magaalada Kismaayo ahaa mid mira dhal ah, waxaana uu mahad u direy ciidamada Kenya iyo kuwa Soomaaliya sida wasiirku Ay Ugu Soo Dhwaeeyeen Kismaayo.
Waxa Uu Xusay Cabdikariim Xuseen in dhinacyadii shaqaaqadu ku dhexmartey Kismaayo taariikhdu markey ahayd 23/02/2013 ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay in magaalada Kismaayo nabad ahaato, Anaguna (Dowladda) waxaan u muujiney sida weyn ee aan u taageersanahay in ay murankooda dhameeyaan.
“C/kariin“Kismaayo waa magaalo qurux badan oo taariikhi ah, waa caasimaddii saddexaad ee dalka Soomaaliya, ma ahan in ay ka taliyaan Malayshiyaad qabiilooyin taabacsan, ama kooxo aan dowladda ka tirsaneyn”.
Wasiirka ayaa Ugu danbeyntii sheegay, Dhamaan dhinacyadu in ay ogaadaan koox hubebysan ama hal qabiil, aysan go’aan ka gaari karin magaalada Muhim ah Ee Kismaayo.




