Banaanbax lagu muujinayo sida qaati looga taaganyahey kuwa ugaarsada dadka waxgalka ah oo puntland ka dhacey.

0
526

Banaanbax looga soo horjeedo dilka culimada iyo kuwa bulshada magaca ku leh ayaa maanta ka dhacey puntland gaar ahaan magaalada garoowe,waxaana banaanbaxa kasoo qeyb galey m/weynaha puntland iyo labada gole,culimo iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Dr c/raxmaan faroole ayaa sheegey in uu iclaaminayo dagaal ka dhan ah argagixisada,waxa uu ugu yeerey,waxaana hore u heystey mucaarad kasoo horjeeda halka sano ee uu faroolle waqtigiisa ku kororsadey.

Banaanbaxan ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan magaalada garoowe lagu diley sheekh aad caan u ahaa allaha u naxariistee sheekh c/qaadir nuur faarax shekh c/qadir gacamey,iyadoo horena kuwo kale loogu diley magaalooyin ka tirsan puntland.

Waa markii ugu horeysey oo dawlada iyo shacabka puntland ay si cad u sheegeen in uu jiro caddaw tuhunkiisu u badanyahey xarakada alshabaab iyadoo maanta banaanbaxa lagu sheegey in 50qof loo xirey dad lagu tuhunsanyahey dilkii shekh c/qadir gacamey,kaas oo saraakiisha alshabaab qaarkood ay sheegeen in ay barii ka yihiin dilka culimada uu kamidyahey sh/cabdiqaadir gacamey,taas oo u muuqata in shabaab ku kala qeybsanyihiin ficillada qaarkood.