Kismaayo oo maanta ay ku dagaalameen labo maleyshiyo beeleedyo isku haya gacan ku heynta magaalada.

0
493

Waxaa maanta ka dhacey dagaal u dhaxeeya labo maleyshiyo beeleed magaalada wada maamula kuwaasoo kasoo kala jeeda beelaha mareexaan iyo ogaadeen,beelahaas oo magaalada kuwada sugan.

Dagaalka ayaa hadda istaagey si iskiis ah iyadoo ciidamada kenya daawanaya,waxaana la sheegeyaa in dhimashada labada dhinacba ay gaareyso tiro kor u dhaaftey 10 ruux,halka dhaawacu uu isna kor u dhaafayo 20 ruux,waxaana hadda lagu soo waramayaa in xaaladu hadda degentahey,ayna meeshi lagu dirirey ay ciidamada kenya joogaan.

Dagaaladan u dhaxeeya maleyshiyaadka beelaha kismaayo kasoo kala jeeda ayaa soo noqnoqda wuxuuse kani kusoo beegmayaa iyadoo maanta la filayey in shir ka furmo magaalada kismaayo taas oo aan la ogeyn in dagaaladani ay raad ku leeyihiin.