Waxaa maanta dalka soomaaliya soo gaarey wafdi ka socda dalka turkiga oo uu hugaaminayey r/wasare kuxigenka dalka turkiga besir bozdag isagoo kulamo la qaatey madaxda dalka ugu sareysa sida m/weynaha iyo r/wasaraha dalka somaaliya dr saacid.
Kulanka kadib ayaa saxaafadda waxaa la hadley r/wasare kuxigenka dalka turkiga iyo m/weynaha dalka soomaaliya prof.xasan shekh maxamuud iyagoo sheegey in ay labada dhinacba ku faraxsanyihiin booqashada wufuudan dalka turkiga ka socota,waxaana kor u sii kacaya xiriirka soomaaliya iyo turkiga,iyadoo dawlada turkigu ay dalka gudihiisa ka heyso mashaariic dib u dhiska wadooyinka iyo iskuullo aan sidaas u sii badneyn.
Waa markii sadexaad ee wufuud heerkan oo kale ah ay dalka booqasho ku yimaadiin sidoo kalena kuwa dalka soomaaliyana ay booqdeen dalka turkiga,waxeyna abuureysaa xiriirka labada dawladood,halka dawlada turkiga ay u sii dheertahey mixnooyin wax barasho in ay siiyeen ardey kor u dhaafeysa ilaa laba kun oo ardey.




