Dawlada dalka kenya oo sheegtey in markii hore ay isdifaaceyso ayna baacsaneyso xarakada alshabaab kadibna codsatey in lagu daro ciidamada Amisom ee dalka soomaaliya jooga si ay dhaqaalle uga hesho beesha caalamka,isla markaana m/weynaha dalka kenya uu dhawr mar sheegey in ay alshabaab ka adkaadeen awoodooni wiiqeen ayaa wax garad iyo siyaasiyiin ku eedeeyeen in ay ka danbeeyaan dagaalka kismaayo ka dhacey.
Waaliga xarakada alshabaab,salaadiin iyo wax garad soomaaliyeed ayaa dawlada kenya ku eedeeyey dhibaatada jubooyinka ka jirta in ay kenya lug ku leedahey ayna la kala safatey soomaalida magaalada wada degen,iyadoo la sheegayo in dagaalki maanta ka dhacey kismaayo dhaawacyada qaar diyaarado lagu qaadayey halka kuwa kale ay laamiga iyo magaalada dhexdeeda ay dhiig bax ugu dhinteen taasna ay cadeyneyso in ay dagaalka kenya ku jirto,iskuna dayeyso isku dirka soomaalida si ay danaheeda u gaarto.
Kenya ayaa caalamka kula dhaqanta waji aan aheyn midka ay wadato soomaaliduna ogtahey,waana xaqiiq in aaney jubooyinku dageyn inta ciidamada kenya joogaan dalka soomaaliya,waxeyna dooneysa dawlada kenya iyo m/weyne muwai kipaki in ay dadka ku mashquuliyaan rabshadaha ka jira soomaaliya si ay doorashada dalka ka dhici doonta dhawaan ugu shubtaan ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed oo diidey in magaciisa la sheego.




