Gudoomiyaha Baarlamaanka Oo Maanta Gaaray Magaalada Jig Jiga Ee Dalkaasi Ethopia.

0
494

Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaalia Oo Maalmahanba Ku Sugnaa Magaalada Adis Ababa Ee Xarunta Dalkaasi Ethopia Ayaa Maanta Waxa Uu Soo Gaaray Magaalada Jig Jiga Halkaasoo Si Diiran Loogu Soo Dhaweyey Isaga Iyo Wafdigii Uu Horkacayay.

Mudane Jawaari Iyo Wafdigiisii Ayaa Maanta Waxa Ay Kulamo Xasaasi Ah La Yeesheen Madaxda Iyo Masuliyiinta Deegaankaasi Iyagoona Ka Wada Hadlay Arimo Quseeya Xaaladaha Soomaalida Ku Dhaqan Halkaasi Iyo Arimo Kale.

Sidoo Kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Ayaa Kulamo Waxa Uu La Yeeshay Dhigiisa Dalka Ethopia Iyo Soomaalida Ku Nool Magaalada Adis Wuxuuna Mudane Jawaari Ku Booriyey Shacab Soomaaliyeed In Ay Garab Istaagaan Dowlada Soomaaliya Si Ay Dalka U Naqato Dal Nabad Ah.