“C/kariin Xuseen Guuleed”Amaanka Deegaanada Puntland Waa In Uu Fara Kulul Ku Qabtaa Faroole.

0
510

C/karin Xuseen Guuleed Waziirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Xukuumada Soomaaliya Iyo Wafdi Uu Hogaaminayo Oo Shalay Gaaray Magaalada Garawe Ee Maamul Goboleedka Puntland Ayaa Maanta Waxa Uu Kulan La Qaatay Madaxweynaha Maamulkaasi C/raxmaan Sheekh Max’uud Faroole.

Kulanka Ay Yeesheen Mr Faroole Iyo Waziirka Ayaa Waxa Ay Kaga Wada Hadleen Arimo Ku Saabsan Xaalada Maamulkaasi Puntland Oo Maalmahaanba Ka Jiray Falal Amni Daro Iyo Dilal Loo Geysta Masuuliyiinta Maamulka Faroole Iyo Culumada Ku Dhaqan Puntaland Oo Maalinkii Shalayba Ay Rag Biskoolado Ku Hubeysani Dil Ugu Geestay Gudaha Masjid Ku Yaala Magaalada Garowe Ee Maamulka Puntland.

Waziirka Arimaha Gudaha Iyo Amniga Qaranka Dowlada Soomaaliya Ayaa Waxa Uu Mr Faroole Ugu Baaqay In Ay Si Hagaagsan U Ilaaliyaan Amaanka Mashaa’iqda Iyo Amniga Guud Ee Shacabka Kana Hortagaan Kooxaha Qaska Ka Wada Gudaha Magaalada Maamulka Puntland.

Faroole Ayaa Sidoo Kale Balan Qaaday In Ay Ka Hor Tagayaan Kooxaha Falalka Amni Daro Ka Wada Halkaasi Isagoona Xusay In Uu Gacan Bir Ah Ku Qaban Doonaan Waxa Uuna Ugu Baaqay Shacabka In Ay Amaanka Kala Shaqeyaan Si Ay Isaga Qabtaan Waxa Uu Ku Sheegay Argagixisada Oo Uu Ula Jeedo Kooxda Al-shabaab.