Ra’iisalwasaaraha dawlada federalka soomaaliya cabdi faarax shirdoon saacid ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah suxufiyiinta muqdisho ka hawlgala.
Xukuumada uu hugaamiyo dr saacid ayaa u muuqata in ay lumineyso kalsoonida warbaahinta qeybaheeda kala duwan,kadib markii maxkamada gobolku xukun ku ridey wariye wareysi ka qaadey gabar ay kufsi u geysteen rag ku lebisan direyska ciidamada,wariyahana lagu eedeeyey in uu wax u dhimey sharafta ciidamada qaranka,taas oo afka dhoobo ka saartey wixii la xiriira kufsi.
Ra’iisalwasaare saacid ayaa balanqaadey in uu bixinayo lacag dhan us 50.000 dolar qofki soo sheega qof diley wariye ama dili raba,horana waxaa sidan oo kale balanqaadkan oo kale sheegey wasiirka arrimaha gudaha c/kariim xuseen guuleed isagoo sheegey in uu bixinayo lacag dhan $ 25.000 dolar.
Balanqaadyadan oo u muuqda waan soconweynaye aan orodno ayaa kusoo beegmaya iyadoo wasaarada warfaafintu ay dhawaan soo bandhigtey xeer qabyo ah oo la yiri saxaafada ayaa lagu maamulidoonaa marka barlamaanku meelmariyo,kaas oo ay ka muuqdaan qodobo aan waafaqsaney madaxbanaanida warbaahinta iyo adeega warbaahinta xorta ah,mana aha in ay dawladani boobto xeerarka qeybahooda kala duwan waxeyna ka hor dhacayaan in talada lala wadaago.




