Shekh xasan daahir aweys iyo sheekh muqtaar roobow abu mansuur oo cambaareeyey ama ceebeeyey dilki loo geystey allaha u naxariiste sh/c/qadir nuur faarax (gacamey).

0
539

Madax iyo masuuliyiin ka kala tirsan qeybaha bulshada oo ka tiiraanyeysan geerida iyo dilka loo geystey sh c/qadir nuur faarax gacamey ayaa isasoo tareysa waxaana ka hadley madaxweynaha df xasan shekh maxamud isagoo tilmaamey in uu aad uga naxey geerida sh/qadir gacamey,sidoo kale waxaa allaha u naxariistee ka hadley geerida shekh c/qadir gacamey sheekh xasan daahir aweys iyo shekh muqtaar roobow abu mansuur ayaa sheegey in dilka shekha iyo cidda fulisey ama ka danbeysa ay khaldanyihiin ayna aqoon dheer u leeyihiin sh/qadir gacamey uuna ahaa nin diinta fidinteeda qeyb weyn ka geystey allaah ayaana ka abaalmarinaya insha allaah.

Waxaa sidoo kale si kulul uga hadley sheekh umal oo yiri war soomaaliyey ma sidaas ayaa gaalo loola dagaalaa ama diinta lagu koryeelaa in culimadii masaajidda lagu dilo diintee sheegeysa anagu waan garaneynaa waxa sheegeyso furqaan kumana jirto meel sheegeysa hab dhaqanka nuucaas ah.

Shekh umal ayaa si caro ka muuqato uga hadley dilka shekh c/qadir gacamey oo sida la sheegey gacanta lagu hayo gacanku dhiiglihi shekha sababtiisa lahaa,walina ma jirto cid ama koox sheegatey dilka sheekh c/qadir gacamey.

Shekh c/qadir gacamey ayaa ahaa xeeldheere diinta islaamka aqoon u leh,isla markaana wax ka dhigi jirey jaamacadaha dalka qaar kamid ah,waxa uuna ifka kaga tagey caruur sagaal ah iyo hal xaas,ma dhinte waa illaah(inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun).