Dowladda Turkiga ayaa si rasmi ah u beenisay warar ay baahiyeen warbaahin caalami ah iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegayay in diyaarado aan duuliye lahayn (drones) oo ay Turkigu sameyso, isla markaana ku hubeysan gantaallo, loo adeegsaday duqeyn cirka ah oo ka dhacday Soomaaliya, taas oo la sheegay inay sababtay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Xarunta La-dagaallanka Wararka Been-abuurka ah ee hoos timaadda Waaxda Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga ayaa soo saartay bayaan ay si cad ugu beenisay eedeymahaas, iyadoo ku tilmaantay warar aan sal iyo raad toona lahayn.
Bayaan ay soo saartay xaruntu ayaa lagu sheegay in ciidamada qalabka sida ee Turkigu aysan wax hawlgal militari ah ka fulin goobaha lala xiriiriyay duqeynta, isla markaana aan la adeegsan wax diyaarado dagaal, diyaarado aan duuliye lahayn ama saanad ciidan oo uu Turkigu leeyahay.
Hay’addu waxay sheegtay in wararkaasi ay yihiin kuwo gebi ahaanba aan sax ahayn, ayna qayb ka yihiin olole dacaayadeed oo lagu faafinayo xog aan la xaqiijin.
Ankara ayaa sidoo kale sheegtay in faafinta wararkan ay ujeeddadoodu tahay in lagu dhaawaco sumcadda ciidamada qalabka sida ee Turkiga iyo warshadaha difaaca dalkaas, kuwaas oo ay sheegtay inay horumar weyn ka sameeyeen dhinaca tiknoolajiyadda milatari.
Sidoo kale, dowladda Turkiga ayaa ku doodday in wararkaasi ay halis gelin karaan xiriirka diblomaasiyadeed ee kala dhexeeya Soomaaliya, kaas oo ay ku tilmaantay mid ku dhisan saaxiibtinimo iyo iskaashi muddo dheer soo jiray.
Xarunta ayaa ugu baaqday shacabka iyo warbaahinta inay ka fogaadaan faafinta wararka aan la hubin, sheegashooyinka aan caddaynta lahayn iyo ololayaasha marin-habaabinta ah, iyadoo ku boorrisay in xogta arrimaha noocan oo kale ah laga helo oo keliya hay’adaha rasmiga ah ee ay khusayso.





