Allaha u naxariistee waxaa magaalada nairobi ee dalka kenya ku geeryoodey avv. Maxamed cabdulle bacadlle oo xilal ka soo qabtey dawladii uu madaxweynaha ka ahaa allaha u naxariistee maxamed siyaad barre.
Maxamed cabdulle bacadlle wuxuu xilal heer wasiir ah ka soo qabtey xukuumadi kacaanka isagoo soo qabtey xilalka wasaaradaha ganacsiga iyo arimaha gudaha iyo kuwo kalle,wuxuu ahaa nin furfuran bashaash ah dadka la kaftama isla markaana qalbi wanaagsan.
Avv. Maxamed c/lle oo ku magac dheeraa bacadle ayaa xanuun awgiis waxaa caafimaad ahaan loogu qaadey nairobi,halkaas oo waqtigiisu ku idlaadey,waxaana isla maanta lagu aasey magaalada nairobi.
Maxamed c/lle bacadlle ayaa ifka uga tagey caruur uu dhaley iyo kuwo ay sii dhaleen waxaana illaahey looga baryayaa in uu janadiisa fardawsa ka waraabiyo(inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun).




