Duulimaadyada Shirkadda Diyaaradaha Somali Airline oo La Filayo in ay Bilowdaan 10 ka Bisha Decenbar ee Sanadkan.

0
4

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Faarax Nuux, ayaa shaaciyay in shirkaddii diyaaradaha qaranka ee Somali Airlines ay dib u bilaabi doonto duulimaadyadeeda 10-ka December 2026, kaddib in ka badan 35 sano oo aysan shaqayn.

Wasiirka ayaa sheegay in diyaar-garowga dib loogu howlgelinayo shirkadda uu socdo, isla markaana munaasabad rasmi ah oo lagu daahfurayo dib u soo laabashadeeda la qaban doono 10-ka December.

“Somali Airlines waxay dib u soo laabanaysaa December-ka soo socda, waxaana la arki doonaa daahfurkeeda rasmiga ah,” ayuu yiri wasiirku.

Si kastaba ha ahaatee, ku dhawaaqistan ayaa kusoo beegmaysa xilli muddo dheer ay jireen ballanqaadyo iyo qorshayaal la xiriira dib u soo nooleynta shirkadda, kuwaas oo aan ilaa hadda horseedin inay dib u bilowdo duulimaadyada ganacsi.

Arrintan ayaa mar kale dhalisay su’aalo ku saabsan in 10-ka December uu noqon doono waqtiga rasmiga ah ee ay shirkaddu dib ugu laabanayso hawada iyo in kale.

Xogta ilaa hadda la helay ayaa muujinaysa in Somali Airlines ay diyaarad nooca Dash 8-400 ah ka heshay shirkadda gaarka loo leeyahay ee Daallo Airlines.

Somali Airlines ayaa joojisay howlaheedii sanadkii 1991-kii, kaddib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya.