Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa dowladda Imaaraadka Carabta ku eedeeyay inay muddo sannado ah faragelin ku haysey arrimaha gudaha Soomaaliya, isla markaana ay taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo mid amni siisay dhinacyo uu sheegay inay wiiqayaan midnimada iyo dowladnimada dalka.
Khudbad uu goor dhowayd u jeediyay shacabka, ayuu Xasan Sheekh ku sheegay in xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Imaaraadka uu muddo dheer ku dhisnaa diin, dhaqan, ganacsi iyo walaaltinimo, balse uu sheegay in kalsoonidii labada dhinac ay dhaawacantay kadib tallaabooyin uu ku tilmaamay kuwo ka dhan ah madaxbannaanida Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Imaaraadku heshiisyo la galay maamul-goboleedyada Puntland, Somaliland iyo Jubbaland, kuwaas oo la xiriira dekedaha Berbera, Boosaaso iyo Kismaayo, isaga oo sheegay in dekedahaasi yihiin hanti qaran oo ay wada leeyihiin shacabka Soomaaliyeed, isla markaana heshiisyada heer qaran ay tahay in lagala galo dowladda federaalka.
Waxa uu sidoo kale Imaaraadka ku eedeeyay inuu Soomaaliya ka dhisay saldhigyo militari iyo qaab-dhismeedyo ciidan oo ka baxsan hay’adaha amniga qaranka, isla markaana uu taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed siiyay maamul-goboleedyo uu sheegay inay khilaaf kala dhexeeyo dowladda federaalka.
Xasan Sheekh ayaa intaa ku daray in tallaabooyinkaasi ay wiiqeen wadajirka hay’adaha amniga, xilli Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxaha argagixisada, isla markaana ay u baahan tahay isku-duubni qaran.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale dowladda Imaaraadka ku dhaliilay mowqifkeeda ku aaddan aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isaga oo sheegay in Imaaraadku uu ka gaabsaday saxiixa bayaannada ay dalalka Carabta iyo Muslimiintu ku cambaareeyeen tallaabadaas.
Waxa uu intaas ku daray in bishii Janaayo ee 2026 magaalada Berbera loo adeegsaday marin ay dowladda Imaaraadku ku sii marsiisay hoggaamiye gooni-u-goosad ah oo ka baxsaday dalka Yemen, isaga oo sheegay in arrintaas aan dowladda Soomaaliya lagala tashan, isla markaana aan oggolaansho laga helin.
“Dalka Soomaaliyeed ma aha waddo si sharci-darro ah la isaga maro, ma aha badeecad la iibsado, mana aha meel goortii la doono la iska soo galo lagana baxo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa sheegay in 21-kii Janaayo 2026 ay Golaha Wasiirrada Soomaaliya go’aamiyeen in la buriyo dhammaan heshiisyadii lala galay Imaaraadka Carabta, oo ay ku jiraan kuwa amniga, difaaca iyo dhaqaalaha, sidoo kalena hawada Soomaaliya laga mamnuucay diyaaradaha militari iyo kuwa xamuulka ee dalkaas.
Waxa uu sheegay in go’aankaasi uu ahaa tallaabo lagu difaacayo madaxbannaanida iyo qaranimada Soomaaliya, balse uu ku eedeeyay Imaaraadka inuu weli sii wado xiriirrada uu la leeyahay dhinacyo uu ku tilmaamay kuwo khatar ku ah amniga iyo xasilloonida dalka.
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya aysan colaad u hayn shacabka Imaaraadka iyo Soomaalida ku nool dalkaas, isaga oo sheegay in tabashada dowladda Soomaaliya ay ku kooban tahay siyaasadaha iyo tallaabooyinka ay qaadayso dowladda Imaaraadka.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka feejignaadaan kala qaybsanaanta, isaga oo sheegay in khilaafaadka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamul-goboleedyada lagu xallin karo wada-hadal Soomaali dhexdeeda ah, halkii ay ka ahaan lahaayeen faragelin shisheeye.













