Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aanka Mareykanka uu sannad kale ugu cusbooneysiiyay maalgelinta Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), iyadoo sheegtay in tallaabadani ay muhiim u tahay sii wadista dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayay ku sheegtay inay si weyn u qadarinayso doorka Mareykanka ee taageerada ciidamada Soomaaliyeed iyo dadaallada lagu xoojinayo amniga dalka.
Dowladdu waxay tilmaantay in taageerada Mareykanka ay qayb weyn ka qaadatay dhismaha iyo tayeynta hay’adaha amniga Soomaaliya, taas oo suuragelisay in dib loo soo celiyo amniga deegaanno badan oo horey ugu jiray gacanta Al-Shabaab.
Sida lagu sheegay bayaanka, afartii sano ee la soo dhaafay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la wareegay in ka badan 20 saldhig oo ku yaalla jiidaha hore ee dagaalka, kuwaas oo markii hore ay maamulayeen ciidamada Midowga Afrika.
Horumarkaasi ayaa suurageliyay in la dhimo tirada ciidamada AUSSOM, oo markii hore gaareysay 21,000 oo askari, balse haatan laga dhigay ku dhowaad kala bar tiradaas. Dowladda Soomaaliya ayaa arrintan ku tilmaantay tallaabo muujinaysa kobaca awoodda ciidamada qaranka iyo horumarka laga sameeyay qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay sii wadista dadaallada lagu xoojinayo ciidamada qaranka, iyadoo qorshaheedu yahay in mustaqbalka dhow ay si buuxda ula wareegaan mas’uuliyadda amniga dalka. Waxay sidoo kale xustay in cusbooneysiinta maalgelinta Mareykanku ay gacan ka geysan doonto joogteynta howlgalada, ilaalinta guulihii laga gaaray dagaalka iyo xoojinta awoodda ciidamada Soomaaliyeed ee sugaya amniga deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday saaxiibada caalamka inay sii wadaan taageerada ay siiyaan dadaallada amni ee dalka, iyadoo ku nuuxnuuxsatay in ciribtirka Al-Shabaab uu muhiim u yahay xasilloonida Soomaaliya, Geeska Afrika iyo guud ahaan gobolka.













