Ciidamada amisom ee ku sugan gobolka sh/hoose oo ay wehliyaan kuwa dawlada soomaaliya ayaa sheegey in ay la wareegeen gacan ku heynta deegaano cusub oo ka tirsan gobolka sh/hoose.
Deegaanadan ayaa waxaa ka mid ah deegaanka janaale,mana jiraan war kasoo baxey dhanka xarakada alshabaab oo la xiriira sheegashada ciidamada huwanta amisom,shaley ayey aheyd kolki ergeyga midawga afrika uu sheegey in ay dardar gelinayaan hawlo uu ku sheegey xoreynta meelaha ay maamulaan xarakada alshabaab.
Maahan wax cusub in ay ciidamada amisom sheegaan furashada meelo ay hore uga talinjireen xarakada alshabaab,lamana kulmaan inta badan ciidamada huwantu wax iska caabin ah,walina wey jirta awooda alshabaab oo wali maamula meelo badan oo dalka soomaaliya ah.




