Walaaca Khuburada Qaramada Midoobay ee Madaxbanaanida Garsoorka oo Dawlada Soomaaliya Ka Jawaabtay.

0
3

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay war-saxaafadeed ay 12-kii Nofeembar soo saareen khubaro ka tirsan Qaramada Midoobay oo walaac ka muujiyay xaaladda garsoorka dalka, gaar ahaan xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare iyo muranka ka dhashay go’aannada maxkamadda.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in dowladda ay si dhab ah u qaadatay walaaca ay khubarada Qaramada Midoobay muujiyeen, iyadoo mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida garsoorka, sarreynta sharciga iyo dhowrista dastuurka.

Dowladdu waxay sheegtay inay ka xun tahay in khubaradu aysan marka hore dowladda ka dalban faahfaahin iyo caddeyn ku saabsan arrimaha ay walaaca ka muujiyeen ka hor inta aysan soo saarin bayaankooda. Waxay sidoo kale tilmaantay in Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Geneva ay codsi ka heshay khubarada, balse aan loo soo gudbin liiska arrimaha laga doonayay in laga wada hadlo.

Dhanka kale, dowladda ayaa sheegtay in Soomaaliya ay ku jirto marxalad kala-guur dastuuri ah, isla markaana nidaamka cusub ee lagu dhisay Dastuurka 2026 aan weli si buuxda loo dhammaystirin dhammaan hay’adihii uu qorsheynayay, oo ay ku jirto Golaha Sare ee Garsoorka.

Qoraalka ayaa lagu xusay in xil-ka-qaadistii Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare, oo dhacday 4-tii Nofeembar 2026, ay ku timid hannaan ku-meel-gaar ah oo dowladda sheegtay in lagu dabaqay habraacii lagu magacaabay, iyadoo go’aankaasi aanu xiriir la lahayn doodihii Maxkamadda Sare ka waday dacwadda dastuuriga ah.

Wasaaradda Caddaaladda ayaa sidoo kale sheegtay in hadalladii iyo go’aannadii uu Guddoomiyihii hore soo saaray kaddib xil-ka-qaadistiisa aan loo aqoonsan karin go’aanno sharci ah oo ka soo baxay Maxkamadda Sare, maadaama uusan xilligaas sii haysan xilkii Guddoomiyenimo.

Dowladdu waxay intaas ku dartay in xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranku uu maxkamadda u gudbiyay diidmooyin sharciyeed oo la xiriira awoodda ay maxkamaddu u leedahay dacwadda iyo shuruudaha dacwoodaha, iyadoo ku dooday in habraacyadaas ay muhiim u yihiin xaqiijinta caddaaladda iyo ilaalinta nidaamka garsoorka.

Ugu dambayn, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in go’aannada uu soo saaray guddoomiyihii hore aysan waafaqsanayn sharciga, isla markaana aysan lahayn wax saameyn sharci ah. Waxay caddeysay inay arrintan ku wajihi doonto tallaabooyin sharci iyo kuwo hay’adeed, iyadoo aan cadaadis la saarin garsoorayaasha ama aan la faragelin shaqada garsoorka.

Dowladdu waxay sheegtay inay weli diyaar u tahay wadahadal iyo inay khubarada Qaramada Midoobay siiso faahfaahin dheeraad ah, iyadoo ku baaqday wada-hadal dhex mara dhinacyada siyaasadda iyo hay’adaha dowladda si loo ilaaliyo xasilloonida, sarreynta sharciga iyo dhismaha hay’adaha dalka.