Qaylo dhaan aad u ba’an ayaa kasoo yeereysa kaluumeysatada magaalada kismaayo ayaa sheegeysa in ciidamada kenya ay kaluumeysatada u diideen in ay ka kaluumeystaan gudaha badweynta hindiya,amarna lagu siiyey in aysan badda soo gelin waxeyna sheegeen in amarkaas loo soo mariyey maamulka raskambodi ee uu hugaamiyo sh axmed madoobe.
Mid kamid ah kaluumeysatada laguna magacaabo madoobe jaamac ayaa sheegey in kenyaanku ay boob ku hayaan kaluunka soomaaliya ayna keensadeen doonyo iyo maraakiib kaluumeysi,ayna indhaha dadka ku duwayaan been iyo waxaan jirin sida iyagoo leh alshabaab ayaa kusoo gambanaya doonyahu hadii ay kaluumeystaan,waxaanan heynaa caddeymo muujinaya in ay kenyaanku guranayaan oo ay boobayaan hantida soomaaliya ee badeeda ku dhexjira.
Kaluumeystadaan ayaa codsi u dirtey dawlada soomaaliya iyo dadka soomaaliyeed in ay ogaadaan denbiga iyo tuugada ka socda xeebaha soomaaliya isla markaana dawlada kenya lagu dacweeyo hanti boobka ay ka wado kenya gudaha soomaaliya.
Waa marki ugu horeysey ee ay qeybaha bulshadu cabasho ka keenaan joogitaanka cidamada kenya,waxeyna kusoo beegmeysaa iyadoo midawga afrika uu sheegey in ay dhimayaan ciidamada dalka kenya ee ku sugan gudaha gobolada jubooyinka dacwad ay dawladu federalku caalamka u gudbisey awgeed.




