Ugu Yaraan 8 Qof oo Ku Dhintay Weerar Gaadmo ah Magaalada Mandheera ee Gobolka oomaalida Kenya.

0
3

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo ay maleeshiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ku qaadeen kolonyo galbineysay shaqaale ka shaqeynayay dhismaha waddo ku taalla gobolka Mandera ee waqooyi-bari Kenya.

Weerarka ayaa dhacay subaxnimadii Talaadada, intii u dhexeysay 7:00 iyo 9:00 subaxnimo, agagaarka deegaanka Koromey, oo u dhow Hagarsu, kuna yaalla waddada isku xirta Mandera, Arabia iyo Lafey, meel aan ka fogeyn xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Dadka weerarka lagu dilay ayaa isugu jiray shan injineer iyo shaqaale ka howlgalayay mashruuca dhismaha waddada, laba askari oo ka tirsanaa ciidamada booliska keydka ee Kenya (NPR), iyo darawalkii gaariga galbinayay shaqaalaha.

Wararka ayaa sheegaya in toddoba qof ay goobta ku dhinteen, halka darawalku uu markii dambe u geeriyooday dhaawacyo rasaas ah oo soo gaaray, xilli loo sii waday isbitaalka Mandera County Teaching and Referral Hospital.

Booliska Kenya ayaa sheegay in rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaariga ciidamada ammaanka ee galbinayay shaqaalaha dhismaha waddada, iyagoo weerarka ku tilmaamay mid si gaar ah loogu bartilmaameedsaday ciidanka sugayay ammaanka mashruuca.

Taliyaha booliska gobolka Mandera, Robinson Ndiwa, ayaa xaqiijiyay weerarka, isagoo sheegay in ciidamo dheeraad ah la geeyay goobta si ay u baacsadaan kooxihii weerarka geystay, isla markaana loo xaqiijiyo ammaanka deegaanka. Ciidamo ka kala socda hay’adaha amniga ayaa sidoo kale bilaabay howlgal lagu raadinayo weeraryahannada.

Dhankiisa, guddoomiyaha gobolka Mandera, Mohamed Adan Khalif, ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna xaqiijiyay dhimashada siddeedda qof ee isugu jira shan shaqaale oo mashruuca waddada ka tirsanaa, laba askari oo booliska keydka ah iyo darawalka gaariga.

Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka, hase yeeshee waxaa looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab, kuwaas oo hore weerarro uga geystay deegaannada xuduudda Kenya iyo Soomaaliya.

Gobolka Mandera oo xuduud dheer la leh Soomaaliya ayaa marar badan waxaa ka dhacay weerarro ay kooxaha hubeysan ku bartilmaameedsadeen ciidamada ammaanka, dadka rayidka ah iyo mashaariicda horumarinta ee ay dowladda Kenya taageerto.