Turkiga oo Maraakiib Dagaal u Soo Diray Biyaha Soomaaliya si ay u Ilaaliyaan Maraakiib Kalluumeysi.

0
3

Ciidamada Badda Turkiga ayaa sheegay in maraakiibtooda dagaalka ee TCG Gökçeada iyo TCG Yıldırım ay ku sii jeedaan magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ka fulin doonaan hawlgallo la xiriira ilaalinta maraakiibta iyo amniga badda Soomaaliya.

Sida lagu sheegay warbixin ay baahiyeen ciidamada badda Turkiga, labada markab ayaa qeyb ka ah howlgalka Somali Naval Task Group, iyagoo fulinaya socdaal loogu gogol-xaarayo ilaalinta markabka kalluumeysiga ee Mustafa Korkmaz A.

Markabkan ayaa la qorsheeyay inuu howlo sahamin iyo tijaabo kalluumeysi ah ka sameeyo gudaha aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya (Exclusive Economic Zone – EEZ), waxaana maraakiibta dagaalka Turkiga loo xil saaray inay galbin iyo ilaalin u sameeyaan inta uu howlahaasi socdo.

Sidoo kale, socdaalka labada markab ayaa qeyb ka ah diyaar-garowga xil-wareejinta howlgalka ciidamada badda Turkiga ee ka howlgala biyaha Soomaaliya.

Howlgalkan ayaa ku soo aadaya xilli Turkiga uu door muuqda ku leeyahay iskaashiga amniga iyo difaaca Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada tababarka ciidamada, amniga badda iyo horumarinta awoodda Soomaaliya ee ilaalinta kheyraadkeeda badeed.

Ilaa hadda faahfaahin dheeraad ah lagama bixin muddada uu socon doono howlgalka ilaalinta markabka kalluumeysiga ama jadwalka xil-wareejinta ciidamada badda Turkiga.