Allaha u naxariistee waxaa magaalada muqdisho ku geeryoodey gud.golaha fulinta ahlu suna waljameeca sheekh maxamed yusuf xeefoow,shekha ayaa xaley goor danbe waxaa kusoo boodey xanuunka macaanka oo uu hore u qabey kaas oo sababey in uu koomo galo,kadibna muqdisho ayaa diyaarad looga direy markii muqdisho la soo gaarsiiyana tiisii ayaa u timid(inaa lillaahi wa inaa ileyhi raajicuun).
Sheekha ayaa ka tagey caruur iyo xaasas aynaan tiradooda xaqiijin karin,hase yeeshee wuxuu ahaa nin firfircoon oo ka dhexmuuqda siyaasada ahlu sunada gobolada dhexe gaar ahaan galguduud,sheekha ayaa shaley qabtey shirkiisi jaraa’id ee ugu danbeeyey noloshiisi isagoo cabasho ka muujinayey xildhibaano ku sugan deegaanada galguduud ee ay maamusho ahlu suna waljameeca.
Maahan markii ugu horeysey ee ay timaado geerida kuna timaad madaxda hugaamisa ahlu suna hase yeeshee geeridan shekh maxamed yusuf xeefow ayaa kusoo beegmeysa iyadoo ay wado wasaarada arimaha gudaha iyo dawlada dhexe dib u habeyn ku wajahan maamulka gobolada dhexe ee soomaaliya.




