Maamulka ahlusuna waljameeca ee gobolka galguduud oo sheegey in xildhibaanadi dhawaan soo gaarey galguduud ay faraha la galeen arimo amniga wax u dhimaya.

0
492

Waxaa dhawaan gaarey xarunta gobolka galguduud magaalada dhuusamareeb,halkaas oo ay xukumaan ahlusuna waljameeca kuwaas oo u muuqda in qilaaf soo kala dhex galey kadib markii ay ahlu suna waljameeca shaacisey in xildhibaanada dawlada dhexe ka socdey ay faraha la galeen arimo amniga wax u dhimaya sidaas darteed ay qeylo dhaan u direen xukuumada iyo m/weynaha in ay si deg deg ah loo soo gaaro gobolka galguduud.

Gudoomiyaha golaha fulinta sheekh maxamed aadan xeefow oo shir jaraa’id ku qabtey gudaha magaalada dhuusamareeb ayaa qeexey in xildhibaanadi ay sida heerka sare ah ugu soo dhaweeyeen dhuusamareeb ay maanta ashtako ka yihiin xubnihii xildhibaanada gobolkan soo gaarey,xildhibaanadan oo laftoodu gobolka kasoo jeeda ayaa hora dhac u ahaa in dawlada dhexe hesho maamul ay dawlada dhexe xiriir la leedahey ayna soo doortaan dadweynuhu cida hugaamineysa iyadoo dawlada dhexe ay caqabado iyo dhibaato ay kala kulmeyso maamulada ku daaban awoodaha shisheeye sida itoobiya iyo kenya.

Waa wax la filan karayey hadalkan kasoo yeerey ahlu suna waljameeca sidaa oo kalena wuxuu muran kale u dhaxeeyaa maamulka ka arimiya kismaayo,weyna adagtahey in maamulada soomaaliya ka jira iyo dawlada dhexe in ay isfahmaan,waxayna tani kusoo beegmeysaa iyadoo dhawaan gud.gobolka baay xil kaqaadis lagu sameeyey ay socon weysey kadib marki habka qabali ah lagu xaliyey.

Maamul goboleedyada hada jiraa wey ka fogyihiin maamuladan aan kasoo hadalney waxaana u sababa awoodaha qarsoon ee ay maamuladu ku tiirsanyihiin,mana ogola maamul kasareeya oo soomaali isukeenkeed ka shaqeynaya.