Ugaas maxamed wali” alshabaab wada hadal wey ogolyihiine yaa lala hadlaa oo soomaali ah?

0
530

Ugaas maxamed wali oo ah ugaas xaga dhaqanka ah isla markaana ah xubnaha ugu firfircoon gobolada jubooyinka,laguna tiriyo xubnaha dhaqanka ay isugu dhawyihiin xarakada alshabaab oo warbaahinta la hadlayey ayaa yiri waxaa haboonaan laheyd in soomaalidu wada hadasho maadaama dagaalku nagu dheeraadey 22sano kadib.

Ugaaska ayaa lagu celiyey su’aal aheyd ugaas”dawladu waxey leedahey hala wada hadlo albaabka wada hadalkuna waa furanyahey hase yeeshee aysan alshabaab ogoleyn wada hadal ee adigu ma keeni kartaa xarakada alshabaab oo wada hadal ogol?

Ugaas maxamed wali ayaa ku jawaabey”
alshabaab wey ogolyihiin wada hadal ee yaa lala hadlaa,isagoo ula jeeda ma jirto dawlad soomaaliyeed oo taladu ka go’do ee ma ugaandheys iyo burundi ayaan dhahaa shabaabow la hadla,ma jirto cid ama koox heysata taageerada in soomaalidu wada hadasho oo aduunyada ku qancisey in dagaal oo kaliya aan xal lagu gaari karin ee albaabka wada hadalka la furo sida dalka afqanistan uu u wado wada hadalka daalibaanka ka dagaalama afqaanistan.

Hadalka ugaas ayaa kusoo beegmaya iyadoo xarakada alshabaab lagala wareegey meelo badan oo ay maamuli jireen,inkastoon wali la dhihi karin awooda alshabaab wey wiiqantey ama ma jirto.