Madaxweyne Kuxigeenkii Hore ee Hirshabeele Yuusuf Dabageed oo Sheegay in uusan Xilka Wareejin Doonin ilaa Laga Heshiiyo.

0
6

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, ayaa sheegay inuu sii wadi doono waajibaadkiisa ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay oo lagu xalliyo khilaafka maamulka, isaga oo caddeeyay inuu xilka wareejin doono marka dhinacyadu ku heshiiyaan hannaan siyaasadeed oo cusub.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa sidoo kale sheegay in odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan iyo qaybaha kale ee bulshada ay magaalada Beledweyne ka fureen gogol wadatashi oo looga hadlayo mustaqbalka siyaasadeed ee Hirshabeelle, xilli uu muran ka taagan yahay hannaanka doorashada maamulka.
Dabageed ayaa sheegay in gogosha magaalada Beledweyne ay fursad u tahay in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee Hirshabeelle.

Wuxuu sheegay in gogoshaasi looga arrinsanayo mustaqbalka siyaasadeed ee maamulka, isaga oo ku baaqay in dhammaan dhinacyadu ka qaybgalaan dadaallada lagu doonayo in lagu helo hannaan maamul oo loo dhan yahay.

Dabageed ayaa dhaliilay hannaanka doorashada ee la qorsheynayo in lagu qabto magaalada Jowhar, isaga oo ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo kooxdiisa inay doonayaan inay doorashada maamulaan iyaga oo aan heshiis siyaasadeed iyo mid bulsho ka haysan dhinacyada ay khusayso.

Waxa uu ku dooday in hannaanka doorashada Jowhar aanu waafaqsanayn dastuurka federaalka iyo kan Hirshabeelle, isaga oo sheegay in aan la iska indho tiri karin doorka bulshada iyo beelaha ee go’aaminta matalaaddooda siyaasadeed.

Wuxuu ugu baaqay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka inay taageeraan wadatashiga Beledweyne, si loo gaaro heshiis lagu maareeyo marxaladda kala guurka ee Hirshabeelle.