Magaalo ku Taal Xuduudka u Dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea oo Ciidamada Lugta Ethiopia Gudaha u Galeen.

0
5

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa gaadhay magaalada Zalambessa oo ku taalla xuduudda Itoobiya iyo Eriteriya, taas oo hore gacanta ugu jirtay xoogagga fallaagada Tigrayga, xilli ay sii kordhayaan walaaca laga qabo in labada dal uu mar kale dhex maro dagaal.

Sida ay wakaaladda wararka ee Reuters werisay Talaadadii, 13-kii Oktoobar 2026, ciidamada Itoobiya ayaa magaalada gaadhay ka dib markii hawlgal rogaal-celis ah oo ay dowladda federaalku bilowday uu fallaagada ka saaray magaalooyin dhowr ah, kuna qasbay inay dib ugu gurtaan dhinaca waqooyi. Warbixintu waxay sheegtay in xogtan ay xaqiijiyeen lix ilo-wareed oo xidhiidh la leh dadka deegaanka iyo dhinacyada ku dagaallamaya gobolka.

Goobjoogayaal iyo hay’ad la socota colaadaha ayaa sheegay in ciidamada Eriteriya ay toddobaadkii hore gudaha u galeen magaalada Zalambessa, iyaga oo taageeraya fallaagada Tigrayga. Si kastaba ha ahaatee, weli lama xaqiijin in ciidamada Eriteriya ama kuwa Tigray ay magaalada ku sugnaayeen markii ciidamada Itoobiya ay halkaas gaadheen Talaadadii.

Dowladda Itoobiya ayaa Eriteriya ku eedaysay inay taageerayso fallaagada Tigrayga, isla markaana ciidamadeedu ay gudaha u galeen dhulka Itoobiya masaafo gaadhaysa 60 kiiloomitir. Dhanka kale, dowladda Eriteriya ayaa beenisay eedeymahaas, waxayna Qaramada Midoobay ka codsatay inay tallaabooyin ka qaaddo dowladda Itoobiya, iyada oo sheegtay in eedeymaha loo jeedinayo ay u dhigmaan ku dhawaaqis dagaal.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Eriteriya, Cismaan Saalax, ayaa warqad uu u diray Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku dalbaday in tallaabo laga qaado Addis Ababa, isaga oo tixraacay cutubka toddobaad ee Axdiga Qaramada Midoobay, kaas oo oggolaanaya tallaabooyin kala duwan oo ay ka mid noqon karaan cunaqabatayn iyo tallaabooyin ciidan. Golaha Ammaanka ayaa Talaadadii lagu waday inuu kulan albaabadu u xidhan yihiin ka yeesho xaaladda Geeska Afrika.

Itoobiya iyo Eriteriya ayaa sannado badan colaad ku jiray, hase yeeshee waxay heshiis nabadeed gaadheen sannadkii 2018-kii. Eriteriya ayaa sidoo kale taageertay dowladda federaalka Itoobiya intii uu socday dagaalkii gobolka Tigrayga ee 2020 ilaa 2022, kaas oo sababay dhimashada boqolaal kun oo qof. Xidhiidhka labada dal ayaa tan iyo markaas mar kale xumaaday..