Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa shaaciyay jadwalka guud ee doorashada guddoonka Golaha Wakiillada iyo hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo doorashooyinka la qorsheeyay inay dhacaan inta u dhexeysa 13-ka iyo 22-ka Oktoobar 2026.
Sida ku cad jadwalka uu guddigu soo saaray, waxaa 13-ka Oktoobar la shaacinayaa Golaha Wakiillada Galmudug, halka 14-ka iyo 15-ka Oktoobar loo qorsheeyay diyaar-garowga xildhibaannada. Dhaarinta Golaha Wakiillada ayaa dhici doonta 16-ka Oktoobar.
Sidoo kale, 17-ka Oktoobar ayaa la qabanayaa araajida musharraxiinta u tartamaya guddoonka iyo ku-xigeennada Golaha Wakiillada, halka 18-ka Oktoobar loo asteeyay khudbadaha musharraxiinta iyo doorashada guddoonka baarlamaanka.
Dhanka doorashada hoggaanka dowlad-goboleedka Galmudug, guddigu wuxuu sheegay in 19-ka iyo 20-ka Oktoobar la qaban doono araajida musharraxiinta u tartamaya xilalka hoggaamiyaha iyo ku-xigeenkiisa.
Musharraxiinta ayaa khudbadahooda jeedin doona 21-ka Oktoobar, halka doorashada hoggaamiyaha Galmudug iyo ku-xigeenkiisa loo asteeyay 22-ka Oktoobar.













