Dowladda Maraykanka ayaa oggolaatay in Qaramada Midoobay ay muddo hal sano ah oo dheeraad ah ku soo afjarto taageerada saadka ee ay siiso howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, AUSSOM, iyadoo mustaqbalka taageerada howlgalka uu weli mugdi ku jiro.
Sida ay Reuters sheegtay, muddada kala-guurka ayaa bilaabanaysa Jannaayo 2027, taas oo Qaramada Midoobay siinaysa waqti ay si tartiib ah ugu yareyso una soo afjarto hawlaha taageerada saadka ee AUSSOM.
Qaramada Midoobay, oo adeegsanaysa Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS), ayaa AUSSOM u fidisa adeegyo muhiim ah oo ay ka mid yihiin shidaalka, cuntada, caafimaadka, gaadiidka, isgaarsiinta, injineernimada iyo duulista.
Hase yeeshee, Maraykanka ayaa sheegay inuusan sii maalgelin doonin howlgalka UNSOS, oo miisaaniyaddiisu ku dhowdahay 500 milyan oo dollar sanadkii, iyadoo aan weli la helin hannaan kale oo si buuxda u beddela taageerada Qaramada Midoobay.
AUSSOM waxaa loo sameeyay in uu taageero dadaallada Soomaaliya ee la xiriira amniga iyo xasilinta dalka, iyadoo Qaramada Midoobayna ay sii waddo taageerada saadka ee howlgalka. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu muddada hadda jirta ee AUSSOM iyo taageerada UNSOS ku saleeyay Qaraarka 2809, oo dhigaya dhammaadka 31-ka December 2026.
Go’aanka cusub ayaa AUSSOM, Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya siinaya waqti dheeraad ah oo ay ugu diyaargaroobaan isbeddelka ku imanaya nidaamka taageerada saadka.
Si kastaba, weli lama caddeyn sida loo beddeli doono nidaamka ballaaran ee ay UNSOS hadda bixiso marka muddada kala-guurka ahi dhammaato, arrintaas oo muhiim u noqon karta awoodda ciidamada Soomaaliya iyo AUSSOM ee fulinta hawlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.
Go’aanka Maraykanka ayaa sidaas darteed siinaya howlgalka waqti dheeraad ah, balse ma aha kordhin joogto ah oo lagu sii wado taageerada Qaramada Midoobay.













